Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo 24 Saacadood Gudohood Kaga Jawaabtay Cabasho Ka Timi Shacabka Xaafadda Khadiija oo ku Taala Jihada Waqooyi Bari ee Caasimada Hargaysa . (Faah-faahin).
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wax ka yar 24 saacadood gudaheed kaga jawaabtay cabasho ay bulshada ku dhaqan Xaafadda Khadiija ee ku taalla jihada Waqooyi Bari ee caasimadda Hargeysa u soo gudbiyeen warbaahinta.
Shacabka xaafaddaasi ayaa shalay si cad ugu muujiyay tabashadooda warbaahinta, iyagoo xusay in masaajid xaafadooda ku yaalla uu muddo sanado ah xidhnaa, isla markaana aanay jirin cid ka adinta ama ku hogaamisa salaaddaha iyo Cibaadada kale ee diiniga ah, taas oo ay sheegeen in ay waxyeello ku tahay noloshooda diineed.
Markii ay cabashadaasi soo gaadhay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, waxa Masuuliyiinta Wasaaraddu amar ku bixiyeen in arrintaasi si degdeg ah loo xalliyo. Waxaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay Xaafadda Khadiija Agaasimaha Waaxda Masaajidda ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sh. Cumar Ibraahim Xirsi, iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Booqashada kadib Agaasimaha waaxda Masaajida ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL Sh.Cumar oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay dhamaystireen wax alaale wixii Masaajidkaasi u baahna , loona sameeyay Mu’adin iyo Imaam .
“ Masaajidka xaafada Khaddiija maanta laga bilaabo waxa uu noqonaya masaajid lagu guto cibaadada ,waxaanuna u samaynay Mu’adinkii ka edaami lahaa iyo Imaamkii Tujin lahaa “ ayuu Yidhi Agaasime Cumar .
Dhinaca kale , Shacabka Xaafadda Khadiija ayaa si weyn ugu mahadnaqay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL , iyagoo sheegay in ay si weyn ugu qanacsan yihiin sida degdegga ah ee Wasaaraddu uga soo jawaabtay baaqoodi , taas oo ay sheegeen inay tahay tusaale wanaagsan oo muujinaya in codka shacabka la dhegeysto.