Farriinta Wasiirka

 

Wasiirka Wasaaradda Diinta & Awqaafta JSL Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) ayaa ka dhawaajiyey qorshaha uga yaalla fidinta iyo fududaynta barashada Qu’raanka kariimka ah iyo culuumta diiniga isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “ waxa noo qorshaynsan in arday kasta oo Qur’aanka baranaya adhi ha la joogo, geel ha la joogo, geed hoostii wax ha ku baranayo miyi ha joogo ama magaalo ha joogo e in aan kitaabka Qur’aanka gacanta  ka gelino “ isaga oo hadalka si watana waxa wasiirku uu intaasi ku daray in hiigsiga Wasaaradda ee waqtigani yahay in tuulo kasta, magaalo kasta ama degaan kasta oo bilaa malcaamad ah ay malcaamad ka dhisaan.

- Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) 
Wasiirka Wasaaradda Diinta & Awqaafta JSL
 

             About Ministry of Endowments and Islamic affairs               

 

                                                                               Read More

Latest Updates