Agaasimaha Waaxda Horumarinta Tacliinta iyo Dacwada iyo Ku Xigeenkiisa oo Maanta Kulan la Qaatay Xubno ka Socday Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista iyo Guddida La Dagaalanka Mukhaadaraadka.

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Tacliinta iyo Dacwada ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Shiikh Yaasiin Ibraahim Cabdiraxmaan, oo uu weheliyo Agaasime Ku-xigeenka Waaxda, Mr. Cabdirisaaq Mukhtaar Maxamuud, ayaa maanta kulan qaatay Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista iyo Guddida La Dagaalanka Mukhadaraadka .
Kulanka oo ahaa mid muhiim ah ayaa ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, waxana lagu lafaguray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta u dhexeysa Gudiyadaas si bulshada loo gaadhsiiyo wacyigelin qoto dheer oo ka dhan ah dhaqamada anshax-xumada ah iyo dhibaatooyinka mukhadaraadka.
Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa diiradda lagu saaray:

• Abuurista barnaamijyo wacyigelin Diini ah iyo bulsho oo si wadajir ah loo hirgelin doono.
• Kordhinta doorka culimada ee la dagaalanka anshax-xumada, balwadda, iyo isdhexgalka aan habboonayn ee bulshada dhexdeeda.
• Dhisidda nidaam isgaadhsiineed oo joogto ah oo ka dhexeeya Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo guddiyada la-shaqeeya .

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Tacliinta iyo Dacwadda ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Shiikh Yaasiin Ibraahim ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada wacyigelinta isagoo tilmaamay in Wasaaradda ay ka go’an tahay kobcinta akhlaaqda diinta iyo ilaalinta qiyamka suuban ee Bulshada .

Sidoo kale, Mr. Cabdirisaaq Mukhtaar Maxamuud Agaasime ku xigeenka Waaxda Horumarinta Tacliinta iyo Dacwada oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in tallaabo kasta oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta Gudiyada ay Wasaaradda wada shaqeeyaan iyo kuwa wacyigelinta bulshada ay horseedi karto bulsho xasilloon, ka fog anshax-xumo iyo balwadahaba.

Dhankooda, xubnaha Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista, iyo Guddida La Dagaalanka Mukhadaraadka ayaa si weyn u bogaadiyay diyaar garowga iyo dedaalka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, waxaanay muujiyeen sida ay diyaar ugu yihiin iskaashi joogto ah oo wax ku ool ah.