Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta JSL Oo Booqasho Ku Tagay Xafiiska Horumarinta Manaahijta Ee Wasaaradda Waxbarashada

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdullaahi Daahir Jaamac (Baashe) oo Booqasho Ku Tagay Xafiiska Horumarinta Manaahiijta ee Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL. 

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Cabdullaahi Baashe ayaa galabta booqasho shaqo ku tagay xafiiska Horumarinta Manaahiijta ee Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland oo ay ka socoto dhamaystirka Manhajka Qaranka ee Dugsiga Hoose-dhexe ee dalka , halkaa oo uu kula kulmay Agaasimaha Waaxda Manhajka Qaranka mudane Maxamed Cabdi Cismaan.

Booqashada Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa ujeedadeedu ahayd xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada wasaaradood, gaar ahaan dhinacyada la xidhiidha horumarinta manhajka Diinta Islaamka, kobcinta barashada Qur’aanka Kariimka ah, iyo kor u qaadidda akhlaaqda iyo anshaxa wanaagsan ee ardayda Somaliland.

Wasiirku waxa uu muujiyay muhiimadda ay leedahay in la helo manhaj midaysan, tayo leh, kana tarjumaya qiyamka Diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee ummadda. Waxa kale oo uu si gaar ah u bogaadiyey juhdiga iyo hannaanka ay Wasaaradda Waxbarashadu ugu jirto horumarinta waxbarashada dalka, gaar ahaan dhanka manaahiijta .
Mas’uuliyiinta xafiiska Horumarinta Manaahiijta ayaa Wasiirka si diirran u soo dhaweeyey, iyagoo uga warbixiyay qorshayaasha socda ee la xidhiidha dib-u-eegista, tayeynta, iyo la jaanqaadidda manhajyada waxbarashada diiniga ah iyo guud ahaan qaranka.

Booqashada Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland ku tagay Xafiiska Manaahiijta eeWasaaradda Waxbarashada ayaa kor u qaadaysa wada shaqeyn iyo faham qoto dheer oo u dhexeeya labada wasaaradood, si loo xaqiijiyo himilada dalka ee ah in lasoo saaro jiil aqoon iyo akhlaaqba leh oo barbaarin iyo diin ku dhisan.