
Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta JSL Oo Salaadii Jimce Kaddib Magaalada Burco Ka Jeediyay Kelmad Qiimo Badan
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Shiikh Cabdullaahi Daahir Jaamac (Baashe) oo Maanta Salaadi Jiimce kadib Shacabka Reer Burco U Jeediyey Kelmedo Wacdi ah oo Qiimo BadanWasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Shiikh Cabdullaahi Daahir Jaamac (Baashe), ayaa maanta Kelmedo Wacdi ah qiimo badan u jeediyay shacabka magaalada Burco, kadib salaaddii Jimce ee Masjid Jaamaca weyn ee magaalada. Kelmedaha Wacdiga ah ayaa ahaa kuwo si toos ah u taabanaysa dareenka bulshada, kana turjumaysa xaaladda guud ee gobolka iyo doorka muhiimka ah ee ay bulshada reer Burco ku leeyihiin ilaalinta nabadda, sare u qaadista wadaniyadda, iyo iskaashi buuxa oo lala yeesho hay’adaha dawladda.
Wasiirku waxa uu si cad u sheegay in shacabka Burco yihiin dad taariikh ku leh difaaca qaranimada Somaliland, kuwaas oo had iyo jeer hormuud u ahaa dib u dhiska, nabadaynta, iyo garab istaagga xukuumadda. Waxa uu bulshada ku dhiirrigeliyay in ay sii xoojiyaan kaalintii quruxda badnayd ee ay ku lahaayeen kobcinta nabadda iyo xasiloonida dalka.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu bulshada reer Burco ku booriyay in aanay u dhego nuglaan wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada iyo goobo kale, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay in la abuuro kala fogaansho iyo niyad jab u dhexeeya xukuumadda iyo shacabkeeda. Wuxuu tilmaamay in shacabka reer Burco ay leeyihiin garaad iyo biseyl siyaasadeed oo ay kaga Fogaadaan in ay u nuglaadaan Wararka been abuurka ah ee Bulshooyinka lagu dhex Faafiyo si loo kiciyo .
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Shikh Cabdulaahi Daahir Jaamac (Baashe) waxa kale oo uu shacabka reer Burco xasuusiyay in Xukuumada maanta talada haysa ay tahay mid ka dhalatay rabitaanka shacabka, sidaas darteedna ay muhiim tahay in si buuxda loo ilaaliyo xukuumadda ay codkooda siiyeen, isla markaana la garab istaago sidii ay u gudan lahayd waajibaadkeeda qaran. Waxa uu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddu diyaar u tahay dhageysiga cabashooyinka iyo talooyinka togan ee shacabka.
Ugu dambayntii, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Shiikh Cabdullaahi Daahir Jaamac (Baashe) waxa uu farriin wada-jir ah u diray dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Burco, isagoo xusay in ilaalinta amniga iyo xasiloonidu aanay ahayn waajib kaliya oo saaran ciidamada ama masuuliyiinta dowladda, balse ay tahay masuuliyad guud oo saaran muwaaddin kasta oo doonaya horumar, xasilooni, iyo dowladnimo waarta.