
Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta JSL Oo Kulamo La Qaatay Guddoomiyayaasha Jimciyadaha Quraanka Ee Gobolka Maroodijeex
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Cabdilaahi Daahir Jaamac (Baashe) oo Kulan La Qaatay Guddoomiyeyaasha Jamciyadaha Qur’aanka Kariimka ee Gobolka Maroodi-jeex (Sawiro).Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Cabdilaahi Daahir Jaamac (Baashe) oo uu wehelinayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Sh.Jamaal Jaamac Xaamud ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyeyaasha Jamciyadaha Qur’aanka Kariimka ee gobolka Maroodi-jeex.
Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta wada shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda iyo Jamciyadaha ka shaqeeya fidinta iyo baridda Qur’aanka Kariimka. Waxaa sidoo kale lagu lafaguray sidii loo dardar-gelin lahaa horumarinta Madaariista Qur’aanka iyo tayaynta nidaamka ardayda loo baro Qur’aanka Kariimka .
Jamciyadihii ka qayb galay kulanka waxa ay kala ahaayeen:
1. Jamciyatu Al-Huda
2. Jamciyadda Tawfiiq
3. Jamciyadda Anwaar
4. Jamciyatul Qur’aan
5. Jamciyatu Siraaj
6. Jamciyatu Cibaad al-Raxmaan
7. Jamciyatu Iqra
Alla Mahad Leh.
-
49171488210172472638784807382301890952649527nView
-
4920135131017247237211816112514728536861640nView
-
49221464910172471372118261256594409612475671nView
-
4919645071017247200545153423062492181846755nView
-
49233126810172470705451666108019095790753606nView
-
49199627210172470305451707980013975637965515nView
-
49167664210172469405451796925993847848293349nView