Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL oo kelmad wacdi iyo dardaaran ah u jeediyey ergooyinka ka soo qayb galay shirweynaha afraad ee xisbul xaakimka Kulimiye 04/10/2020

Madaxweynaha qaranka J.S.L, Muuse Biixi Cabdi ahna gudoomiyaha xisbul-xaakimka Kulmiye ayaa ku soo dhoweeyey in Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed uu Qur'aan iyo kalmad Diini ah ka jeediyo shirweynaha 4-aad ee xisbiga Kulmiye.

Wasiir Khaliil, waxa uu ergadii shirka kula dardaarmay cabsida Rabbi, sidoo kale waxa uu wasiirku ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in ay bulshada mar kasta Diinteeda ku dhegganaato.

Ugu dambayntii, wasiir Khaliil waxa uu ugu baaqay guud ahaan hawl-wadeennada xukuumadda in ay ku suntanadaan wax qabad muuqda isla markaana ay kaga jawaabaan adeeg iyo hufnaan hadallada ka soo yeedha mucaaradka. Waxa uu Wasiirku guud ahaan u duceeyay bulsho-weynta reer Soomaaliland.