Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL ayaa xidhay tartanka hababka akhiriska Qur’aanka

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa soo xidhay xafladda tartankii 10-ka hab ee akhrinta Qur'aanka ee ka socday magaalada Hargaysa, tartankan oo ahaa mid caalami ah ayaa waxa uu ahaa tartan aad u adag, oo la isku mari waayay intii hore.

Waxa ay muujiyeen ardaydii ka qayb gashay musaabaqadaasi dadaal dheeraad ah iyo weliba diyaar garow xooggan. Dadkii ka qayb galay qaar ka mid ah ayaaba ku tilmaamay mucjiso. Waxa ay mudanyhiin in la dhiirrigeliyo da'yartaasi.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta waxaa ka go’an xoojinta iyo dar dar gelinta arrimaha Qur’aanka sida uu sheegay Wasiirka. Sidoo kale Wasiirku waxa uu mahad celiyey cid kasta oo ka qayb qaadatay tartankaasi Qur’aanka hirgelintiisa. Ugu dambayntii Wasiirku waxa uu hadiyado guddoonsiiyey seddexdii arday ee ugu sarraysay.
 

Allaa mahad leh