
Wasiirka Diinta & Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Oo Booqasho Ku Tagay Xafiiska Hay'adda ARC Iyo Xarunta Waxbarashada Kuwait
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Shiikh Cabdulaahi Daahir Jaamac (Baashe) iyo Wasiirka Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland, ayaa maanta booqday xafiiska hay'adda ARC iyo xarunta waxbarashada Kuwait.Intii ay booqashada ku jireen Wasiiradu waxa ay warbixin ka dhageysteen mas’uuliyiinta xarunta, iyagoo si qoto dheer u falanqeeyay fursadaha iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo hay’ada Kuwait.
Dhanka kale, masuuliyiintu waxa ay kulan muhiim ah la qaateen wefti ka socota Guriga Sakada ee Kuwait, oo ah hay’ad dawladeed oo madax-bannaan. Kulankaasna waxa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga arrimaha zakada iyo sidii loogaga Faa’idaysan lahaa horumarinta bulshada, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo horumarinta diinta.
Kulanka iyo booqashada ay Wasiiradu ku tageen hay'adda ARC iyo xarunta waxbarashada Kuwait ayaa salka ku haysa hagaajinta xidhiidhada iyo dardar gelinta hawlaha shaqo ee Qaranka.