Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta JSL Oo Kulan Lagaga Hadlay Halista Maandooriyaha VAPE-ka La Yeeshay Guddida Wanaag Farista

Wasiirku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL Sh.Jamaal Jaamac Xaamud ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddida

Wanaag Farista iyo xumaan reebista oo ay ka wada hadleen Mawduuc daaran Maandooriyaha Wakhtigan aadka ugu fidaya Bulshada dhexdeeda ee loo yaqaano Vape (Electronic Cigarette).
Qalabkan sigaarka casriga ah ayaa ah mid bixinaya qiiq lamid ah ama kaba halis badan sigaarkii hore maadaama uu koobsaday oo ay ku jiraan maadooyinka ah Propylene, glycol, glycerin, nicotine, flavoring iyo kuwo kale.

Wasiir Jamaal iyo guddida ayaa ka wada hadlay sidii loola dagaalami lahaa aafadaas cusub iyo in
wacyigelin guud la sameeyo iyadoo bulshada loo bayaaminayo halisteeda.