Wasiir Ku Xigeenka Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta JSL Oo Kulan La Qaatay Agaasimayaasha Waaxaha Wasaaradda

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL Jamaal Jaamac Xaamud iyo Agaasimaha Guud Mr Cabdalle Maxamed Yuusuf oo Kulan La Qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Mudane Jamaal Jaamac Xaamud, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdalle Maxamed Yuusuf, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimayaasha Cusub ee Waaxyaha Wasaaradda. Kulankan oo ka qabsoomay Hoolka Wasaaradda, ayaa ah kii ugu horeeyay ee rasmi ah ee maamulka sare la yeesho Agaasimayaasha kadib magacaabistooda dhowaan.

Ujeeddada Kulanka ayaa Ku saabsanaa :-
• In la fahmo jihada iyo himilada Wasaaradda, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta qorshayaasha Wasaaradda.
• In Shaqada lasoo xaadiro oo lala xisaabtami doono qofka iman waaya .
• In La Isbarto ,maadama oo Agaasimayaasha qaarkood Shaqada ku cusub yihiin .
• In la dhiso wada shaqayn togan, is faham iyo isku xidhnaan rasmi ah oo u dhexeeya maamulka sare iyo Agaasimeyaasha waaxyaha.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Mudane Jamaal Jaamac Xaamud oo kulankaasi ka hadlay ayaa hadal dardaaran iyo dhiirigelin ah u jeediyay Agaasimayaasha cusub, isaga oo ku bogaadiyay xilka culus ee loo igmaday. Wuxuu si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay in masuuliyaddu noqoto mid ku dhisan:
• Hufnaan iyo daacadnimo,
• Masuuliyad dhab ah oo lagu kasbado kalsoonida bulshada,
• Ka shaqaynta midnimada iyo horumarinta waaxyaha .
Wasiir ku-xigeenku waxa uu tilmaamay in hoggaan wanaagu yahay furaha horumarka waax kasta, kuna dhiirrigeliyay Agaasimayaasha in ay si buuxda u hawlgalaan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdalle Maxamed Yuusuf, ayaa isna kulanka ka jeediyay hadal qeexaya doorka muhiimka ah ee Agaasimayaasha waaxyuhu ku leeyihiin horumarinta Wasaaradda. Wuxuu si qoto dheer u sharaxay muhiimadda wada shaqaynta joogtada ah ee ku salaysan:-

• Is-ixtiraam shaqo,
• Tixgelinta xilalka kala duwan,
• La socodka iyo qiimaynta waxqabadka waaxyaha.
Agaasimaha Guud wuxuu sidoo kale xusay in maamulka sare ay diyaar u yihiin taageeridda waaxyaha si loo gaadho yoolalka diineed iyo bulsho ee Wasaaradda.
:
Agaasimayaasha cusub ee kulanka ka qayb galay ayaa dhankooda muujiyay diyaar garow iyo ka go’naansho shaqo, iyagoo ballan qaaday:
• In ay si buuxda uga shaqayn doonaan horumarinta waaxyaha ay madaxda ka yihiin,
• In ay la shaqayn doonaan dhammaan laamaha kale ee Wasaaradda iyo bulshada,
• In ay la jaanqaadi doonaan siyaasadaha iyo qorshayaasha cusub ee Wasaaradda.

Gabagabadii !
Kulanka oo ahaa mid muhiimka ayaa wuxuu salka hayay dhismaha maamulka hufan iyo dardar-gelinta xidhiidhka ka dhexeeya hoggaanka Wasaaradda iyo waaxyaha. Waxaanu muujinayey in Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu u jihaysan tahay nidaam shaqo oo midaysan, hal-abuur leh, iyo la jaanqaadida baahiyaha bulshada.
Saameynta togan ee kulankan ka dhalan doonta ayaa la filayaa in ay sii xoojiso doorka Wasaaradda ee hoggaaminta diinta, ilaalinta awqaafta, iyo wacyigelinta akhlaaqda bulshada reer Somaliland.