Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Imaamyada Masaajida Gobolka Maroodijeex U Qaybisay Jadwalka Salaadaha Bisha Barakaysan Ee Ramadaan

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL Sh.Cabdilaahi Daahir Jaamac (Baashe) iyo Wasiirku-xigeenka wasaaradda oo ay weheliyaan qaar kamida Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda ayaa Maanta kulan la qaatay qaar kamida Imaamyada Masaajidada Gobolka Maroodi-Jeex.

Kulankan oo ay ujeedediisu ahayd Qaybinta Jadwalka Salaadaha Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo Ilaalinta Wakhtikha Salaadaha.

Kulanka ayaa markuu dhamaaday Wasiirku waxa uu Imaamyada u qaybiyay Jadwalka Salaadaha ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan.