Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta JSL Oo Soo Af-meertay Barnaamijkii Wacyigelinta Bisha Barakaysan Ee Ramadaan

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta soo Gabagabaysay Barnaamijkii Wacdiga Diiniga ahaa ee ay Bisha Barakaysan ee Ramadaan uqabato Wasaaradaha iyo Hay’addaha Dawladda ,Talisyada Ciidamada Qaranka Qaybihiisa Kala Duwan (Sawiro).
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Md.Cabdalle Maxamed Yuusuf ayaa ka Warbixiyey Barnaamijka Wacyigelintu Waxa uu ku Saabsanaa ,Tirada Hay’addaha Dawladda iyo Talisyada Ciidamada ee Ka Faa’iidaystay .
Ugu dambayntii Agaasimuhu waxa uu Umahad celiyay Culimadii ka Hawlgashay oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Wasiirku-xigeenka Wasaaradda.