Wasaaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL oo tababar u soo gebagebaysay 200 macalin oo ka mid ah dumarka macalimiinta ka ah dugsiyada Qur’aanka Hargeis

Wasaaradda Diinta & Awqaafta JSL iyada oo sii wadda dedaalada lagu horumarinayo dugsiyada Qur’aanka oo sanadka si gaar ah diiradda loogu saarayey horumarinta aqoonta macalimiinta Madaarista iyo hirgelinta manhajaka cusub waxa ay tababar u xidhay 200 macalin oo ka mid ah macalimiinta madaarista Qur’aanka.
Macalimiintii tababarkaas ka qayb galay oo markan dhammaantood hablo ahaa waxa ugu danbayntii la guddoonsiiyey shahoodooyin caddayn u ah tababarka ay qaateen.