Tabobar la xidhiidha xirfadda qoraalka iyo maamulka xogta xafiisyada.

Waxa maanta oo taarikhdu tahay 29/10/2022 uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta & Awqaafta JSL u furay tabobar aqoon korodhsi ah 17 xubnood oo Ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda gaar ahaan xarunta dhexe, tabobarkaasi kaasi oo ay shaqaaluhu ku baranayaan xarfadda hab qoraaleedka quman, maamulka xogta iyo xafiisyada. Tabobarka waxa soo agaasimay Waaxda maamulka Cududda Shaqaalaha waxaana uu socon doona muddo shan maalmood ah.

 Munaasbadda furitaanka oo ay haddalo ka jeediyey Agaasimaha Guud Adam Cabdillaahi Cabdale,  Agaasimaha waaxda maamulka cududda shaqaalaha Muuse Gaydh Nuur iyo macalin Maxamed Beddel oo ah macalin tabobarka bixinayey waxa ay dhammaantood sheegeen in ay rajaynayaan in shaqaalaha tabobarkan Ka qayb galay xirfadooda laga arki doono shaqada xafiisyadooda.