Madaxweynaha JSL Oo Xadhiga Ka Jaray Masjidka Nuurul Hudaa (Rusheeye)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta xadhiga ka jaray Masjidka weyn ee ???????????????????????? ???????????????????? (???????????????????????? ???????????????????????????????? ) oo muddo saddex sano ah uu ku socday dhisme casri ah.

Madaxweynuhu waxa uu u mahad naqay cid kasta oo gacan ka geysatay (xoolo, xoog iyo xikmadba) dhismaha iyo dhammaystirka Masaajidka Nuural Hudaa.

Ugu dambayntii Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay mudnaan gaar ah siinayso quwaynta Diinteenna Suuban, Nabad ku wada noolaanshaha bulshada JSL iyo wadajirka ummadda.