Khudbadii Jimcaha Ee Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta JSL Ka Jeediyay Magaalada Ceel Af-Weyn
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Shiikh Cabdulaahi Daahir Jaamac (Baashe) ayaa maanta khudbadii Jimcaha ka galay masjid Degmada Ceel afweyn oo ay ku tukanayeen kumanaan Shacabka degmada reer ceel afweyn .Ugu horeyn waxa Wasiirku shacabka degmada Ceel afweyn ugu baaqay in ay ka Faa’idaystaan Fursadaha horyaala ee ay ka mid yihiin Nabada iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah .
“ Hadii qofku waayo nabadgelyo ama irsaaqda lagu cidhiidhiyo Nolosha aduunyadu dhadhan u yeelan mayso ,haduu sidoo kale barwaaqo haysto oo nimco kasta haysto oo aanu nabadgelyo iyo amni ku haysan oo cabsi hayso , waxa uu haysto u dhadhami maayaan “ ayuu Yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland .
Wasiirku waxa kale oo uu shacabka Degmada Ceel afweyn ugu baaqay in ay Taageeraan Codka Nabada una tudhaan ubadka soo koraya .
“ Dadkiina iyo Dawladiinu waa idin Jecel yihiin reer Ceel Afwaynow , waxa makhraati u ah ,halkaa hortayda waxa fadhiya dadkii ugu mudnaa Ceel afweyn Salaadiintii , haldoorkii iyo Madaxweyne ku xigeenkii , Wasiiraddii ,janankii ciidamada ,dhamaantood waxa ay u Yimaadeen Wanaagiina ,maslaxadiina , noloshiina iyo in aad Nabadgelyo heshaan ‘ ayuu Yidhi Wasiirka oo khudbada Jimcaha sii wada .