Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Oo Guddoonsiiyay Guddoomiyaha Jimciyadda Indhoolayaasha Kutub Loogu Talo-galay Dadka Araga Naafada Ka Ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL Md.Cabdalle Maxamed Yuusuf oo Weheliyo Agaasimaha Waaxda Horumarinta Tacliinta iyo Dacwada Cabdi-xakiim Maxamed Muuse ayaa Maanta Gudoonsiiyay Gudoomiyaha Jamciyada Indhoolayaasha ee Saabiriin Sh.liibaan Cali Aadam Kutub Qur'aan ah oo loogu talagay Dadka Baahiyaha Gaarka ah leh ee Araga Naafada ka ah