Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta JSL Oo Kulan La Qaatay Hay'adda Khayriga Ah Ee Al Huda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL Md.Cabdalle Maxamed Yuusuf ayaa Maanta Kulan la qaatay Madaxda Hay’adda Khayriga ah ee Alhuda.

Kulankan oo Ka Dhacay Xafiiska Agaasimaha Guud, waxa uu Ku saabsanaa isbarasho iyo Xog waraysi ku saabsan Hawlaha Khayriga ah ee ay Hay’addu Qacanta ku hayso.

Dhanka hay’adda waxa ka socday Madaxda Kala ah Gudoomiyaha Fulinta Hay’adda Alhuda Sh.Cabdinaasir Iid Maxamed iyo Xoghayaha Guud ee Hay’adda Alhuda Md.Jimcaale Sh.Cabdiraxmaan Madar.

Ugu dambayntii Agaasimuhu waxa uu Madaxda Hay'adda uga mahad-naqay sida wacan ee ay Hawlaha Khayriga ah uga wadaan Guud ahaan dalka, isaga oo u balan qaaday inuu sii Xoojin doono Xidhiidhka Hay'addaha Iyo Wasaaradda.