Wasaaradda Diinta & Awqaafta oo digniin Culus ka soo saartay in loo gacan dhaafo go'aaminta maalinta la ciidayo.

Gudida ay wasaaraddu u magacawday ilaalinta iyo la socoshada bilashada bilaha Ramadaan iyo shuwaal  oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta Wasaaradda Diinta & Awqaafta ayaa digniin culus u diray qaar ka mid ah imaamyada masaajidda oo ay sheegeen in ay caadaysteen in ay ka hordhacaan go'aamada Wasaarada isla markaasna ay si iskood ah bulshada ugu gudbiyaan go'aanno. sida ay gudidu sheegeen qaar ka imaamyadaas ayaa bilashadii bisha Ramadaan iyada oo aan wasaaraddu saarin wax go'aan ah, waxa ay iclaamiyeen in  bisha Ramadaan ay tahay 'kow' isla markaasna waxa ay bilaabeen in ay tukadaan salaadda Taraawiixda, sidaas awgeed waxa ay ka digeen in taas oo kale dhacdo xilligan oo la sugayo bilashada bisha Shuwaal oo lagu ciidi doono. waxa ay sheegeen gudidu in arrintan ay dhalin karto tafaraaruq iyo khilaaf aan loo baahnayn.