Wasiirka Wasaaradda Diinta & Awqaafta JSL Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) ayaa ka dhawaajiyey qorshaha uga yaalla fidinta iyo fududaynta barashada Qu’raanka kariimka ah iyo culuumta diiniga isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “ waxa noo qorshaynsan in arday kasta oo Qu’aanka baranaya adhi ha la joogo, geel ha la joogo, geed hoostii wax ha ku baranayo miyi ha joogo ama magaalo ha joogo e in aan kitaabka Qur’aanka gacanta  ka gelino “ isaga hadalka si watana waxa wasiirku uu intaasi ku daray in hiigsiga Wasaaradda ee waqtigani yahay in tuulo kasta, magaalo kasta ama degaan kasta oo bilaa malcaamad ah ay malcaamad ka dhisaan.