Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL ayaa  abaalmarin guddoonsiiyey shaqaalihii ugu shaqada wanaagsanaa ee sannadkan 2022.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL ayaa  abaalmarin guddoonsiiyey shaqaalihii ugu shaqada wanaagsanaa ee sannadkan 2022,munaasabaddan abaalmarinta oo uu soo qabanqaabiyey xafiiska Waaxda Cududda shaqaalaha ee wasaaradda wax ay ka qabsoontay hoolka Wasaaradda waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin sarsare oo ay ka mid yihiin guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Agaasimaha guud ee komishanka maamulka wanaagga iyo agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo awqaafta JSL.